Weeraryahanka xulka spain iyo kooxda chelsea Fernando Torres (foto)ayaa si cad ugu hanjabay kooxda manchester united , wuxuuna uga digay iney niyaddooda ka saaraan, marna aysan haweysan semifinalka horyaalka reer yurub.
FERNANDO TORRES
waxaa sidaa lagu qoray jariidada the sun oo kasoo baxda ingriiska oo soo bandhigtay wareysi aad u dheer oo ay torres la yeelatay.
"Waanu ognahay in kooxdeyda chelsea ay markii horeba ka adkeyt kooxda manchester united, iyadoo taa jirto ayaa haddana waxaa kooxda kusii biiray aniga iyo David Luiz difaaca xulka reer brazil.
Xiddigaan da,da yar ayaa 31 jannaayo ee sannadkaanu aanu ku jirno ku biiray kooxda chelsea, ilaa haddana wuxuu torres u saftay 7 kulan, waxgool ahna uma dhalin, haddii aad is weydiineyso sababaha uu xiddaa torres gool u dhalin waayay ilaa hadda lama oga sababta.
farshaxanka Caanka ah ee Amin Arts ayaa soo bandhigay sawir gacmeed xiiso badan oo ku cabbirayo ra,yigiisa , kaas uu uga hadlaayo waxa xaqiiqada dhabta ah ee ay isku heystaan Sheekh Shariif iyo Maxamed Dheere, waana tan sheekadii dhexmartay kkkkkkkkkkkkk... AAAH AAAH AAH
Muwaadin kediye oo door aad u ballaaran kasoo qaatay sidii loo sii deyn lahaa lammaanihii ingriiska ahaa ee Paul iyo rachel chandler oo burcad badeed somaali ah ay muddo 1 sano ku heysteen G/Dhexe gaar ahaan magaalada xaradheere iyo weliba intii la shaqeysay isaga oo gacanta weyn u fidisay.
Muwaadin daahir c.kediye oo ka mid jaaliyadda somalida ee ku nool carriga ingriiska magaalada london, wuxuu waqti badan u huray sidii qoyskaas aan wax galabsan loo sii deyn lahaa oo markale xorriyaddoda shaqsiyeed u heli lahaayeen.
Qoyskaas waayeelka ah oo da,doodu u dhexeysay 56 ilaa 60jir oo aan muddada aan kor kusoo xusay lagu heystay meelo ka mid carriga somaaliya, ayaa muwaadin kediye iyo inta la mid qalbigooda gelgishay, dareenkooda kiciyay, ku kalifay iney u xusulduubaan,xoogooda iyo xeeladdoodana isugu geeyaan sidii mar looga soo furfuri waayeeladaa gacmaha ka gardaran ee heysta.
Qurbajoogta somaalida ee ku nool dalalka reer yurub, oo aanu deganahay wexey aad uga dhiidhiyeen arrintaas, iyagoo marna qaadan waayaysharaf dhaca ay nimankaa burcad badeedka ah u geysteen dilista magaca somaalinimada ,iyadoo ay rajo xumo iyo niyad jab ku abuureen carruurtii iyo qoyskii lammaanahaa waayeelka ah, maalin weliba ay weydiisanayaan lacag malaayiin dollar ah oo aysan awoodin odeyga iyo xaaskiisa howlgabka, taasoo weji gabax iyo fadeexo ku noqotay dadka ku abtirsada magaca la isku yiraahdo somaali.
mudane kediye,wuxuu arrinkaa u galay dadaal dheeraad ah,wuxuuna muujiyay xilkasnimo gaar ah, isagoo howlihiisii qof ahaaneed hakiyay, waxaa u cuntami weysay in qoyskii Paul iyo Rachel isaga iyo inta damiirka leh ay ka ag ooyaan, iyagoo carruurihii ay dhaleen qoysaska somaalida ah subaxdii hortooda skool ku aadayaan, haddana aan ciddi wax yeeleen, taana waxey ku kalliftay muwaadin kediye uu naftiisa u biimeeyo oo joog iyo jiifba ka quusto, isagoo is biddaayay inuu kasoo jeedo deegaanadaa la leeyahay waa lagu heystaa waayeelka. wuxuu xiriir dhow iyo mid dheer la yeeshay odey dhaqameedyadii deegaankaa, siyaasiyiintii deegaanka,culumaa,udiinka deegaanka , waxeyna taa u sahashay in lagu guuleysto dadaal dheer oo qardajeex badan loo maray iney xorriyaddoda dib u helaan labadaa waayeel ee howlgabka.
waxaa xusid mudan inta aanan qalinkeyga dhigin inaan sheego kaalintii mugga weyneyd ee uu qaataya Abwaan Cayaarjecel iyo kooxdiisa Qeylodhaan dhiirigelintii, wacyigelintii iyo baroordiiqdii ay ka geysteen in la heystay qoyskaa waayeelada, laakiin taariikhda ayaa abaalmarin doonta kooxda qeylo dhaan.
Waxaan kusoo afjarayaa qormadeydaan aanan waqtiga badan siin jawaabta su,aasha aan ku billaabay maqaalkaan haa waa muteystay muwaadin kediye in lagu maamuuso shahaado sharafeedkan oo ah sidii u difaacay soo celintii magaca somalida oo 20kii sano ee lasoo dhaafay ka lushay geedaha dhaadheer iyo goobaha lagu qeybiyo ceebaalka .
Qiimeyn la sameeyay ayaa sheegtay in 40% ay dadka mareykanka ah ku dhaceen imtixaankii shacbinimada (burgerschapstest)oo loogu talagalay in dadka shacabka lagu weydiiyo waxa dalkooda ka yaqaaniin waxaa arintaan lagu soo bandhigay wargeyska todobaadlaha ah ee Newsweek .Wargayska oo su aalo weydiiyay dad dhan 1000 qof ,29% dadkii la weydiiyay ma yaqaaniin madaxweyna ku xigeenka Maraykanka ee hadda .70%waxey faahfaahin waayeen dastuurka dalka maraykanka waxa uu yahay,40%dadkii la weydiiyay su'aalahaas waxey garan waayeen dagaalkii 2aad ee adduunka cidda ay dowlada maraykanka ay la dagaashay.
In ka badan 27 miljoen oo qaxooti ah ayaa wadamadooda uga soo cararay dhibaatooyin dagaal iyo waxyeelooyinka dabiiciga ah oo waddamadooda haleelay ,kuwaasoo usoo kala firdhaday dacalada dunida.
Elisabeth Rasmusson
Muddo toban sano ah waa lambarkii ugu sareeyay sida ay sheegtey xoghayaha guud ee golaha qaxootiga Norway,Miss Elisabeth Rasmusson(foto).
wakhtigaan la joogo kumanaan qaxooti oo reer Ivoriaan (Ivory Coast)ayaa noloshooda lasoo cararaya ayeey tiri Mrs. Rasmusson oo xanaaq badan ka muuqdo,taaso ka dambeysay shaqaaqooyinkii siyaasadeed ee Ivory Coast bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay,ismaandhaafkaas oo ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas oo nin walba uu sheeganayo inuu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee jira ,taasoo sababi karta dagaal sokeeye oo dhax mara taageerayaasha labada dhinac.
In ka badan 500.000 oo qof oo reer Ivory Coast ah ayaa naftooda kala soo cararay wadankoodii.
Inta u dhaxeysa 4,5 ilaa 5,2 miljoen oo reer Suudaan ah ayaa iyaguna dalkooda ka soo cararay degenaansho la'aan jirta darteed.40% oo qaxooti ah waxey kasoo barakaceen wadamada Afrika ,dalalka bariga dhexe 3 jeer ayeey labalaabmeen qaxootigii kasoo carari jiray.
Dagaalada ka jiro dalalka Afganistan iyo Pakistanba waxey sababeen in 70% qaxooti reer Asia ah ay soo gabaadsadaan meelahay is leeyihiin waa nabad iyo weliba wadamada reer galbeedka .
Qiimeyntaan kuma jiraan kuwa kasoo baqacararaya xiligaan kacdoonada isbedeldoonka ah ee hareereeyay
Cabsi iyo naxdin badan ayaa ka jirtay guriga atooraha Ingriiska Hugh Grant (foto) oo todobaadkii hore loola cararey cisbitaal ku yaalo galbeedka London.Atooro Hugh Grant wuxuu ahaa mid daciif ah, oo wareer badan qabo sida ay sheegteey jariiradada The Sun.50 jirka xiddiga caanka ee Hollywood wuu diiday in loo waco baabuurta gargaarka degdega ah ee cisbitaalka."marabo inaan wakhtiga ka lumiyo baabuurtaas oo dad iga daran gargaari karta "ayuu yiri Hugh .Wuxuu wacday Taxi ula cararay cisbitaalka,saacado kadib isagoo ay ka muuqato sabar badan ayaa loo gudbiyay qeybta degdega (Emergency Service).Dad meesha fadhiyay waxey atoore Hugh ku sheegeen inuu ahaa qof caadi ah, marna uuna muujin inuu yahay nin caan ah rabana inuu ka hor maro iyaga.Xoogaa kadibna waxaa atoore Hugh baaritaan kadib u laabtey gurigiisa mana cadda ,si fiicanna loo garanmaayo cudurka uu qabo actor Hugh Grant.
Shirkadaha moodooyinka dharka ayaa u muujiyay qalbifurnaan iyo taageero sida ay uga xunyihiin dhibaatada dhulgariirka iyo daadadka ee ku habsaday dadka ree Japan waxayna u caddeeyeen in ey taageero hiil iyo hooba ah la garabtaaganyihiin .H&M oo ka mid ah shirkadaha moodooyinka ,waxey shaqaalaha reer Japan ku amartay iney qooysaskooda la qeybsadaan murugada iyo baadi goobka ,kuwa la la' yahay,
H&M waxey ururka bisha cas ee Japan ku wareejisay 100.000 oo dhar ah ,si loo gaarsiiyo dadkii ku waxyeeloobay.
Diane von Furstenberg
Mode Coach waxey ugu deeqday dadka reer Japan adduun dhan 2,5 miljoen euro.
Dukaanka caanka ah American forever21 wuxuu ku wareejiyay ururka bisha cas ee reer Japan wixii uu faa iiday malintii 18ka maarso.
Gap fashion wuxuu bixiyay 143.000 oo euro .Mode THEORY waxey dukaamadeeda caalamkoo dhan hor dhigtay karaatoon waaweyn oo ey dadka ugu baaqday iney dhar kusoo ridaan si loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan.Naagta caanka ah ee modada sameeyso Diane Von Furstenburg(foto) waxey abuurtay barnaamish online ah oo dadka loogu yaboohayo,waxaana aad loogu rajo weyn yahay iney kasoo xaroon doonto milaayiin euro.
Safiirka dowladda ku meelgaar ah u fadhiya xarunta yurub, islamarkaana ah safiirka dowladda ku meel gaar u fadhiya dalka talyaaniga mudane Nuur Xasan Xuseen (NUUR CADDE) ayaa la kulmay 5 maarso jaaliyadda somalida ah ee ku nool dalweynaha Belgiem , munaasabaddaas oo lagu maamuusaya daahfurka safaaradda somaalida ee brussels.
wuxuu ambassadoor Cadde kala hadlay jaaliyadda uu la kulmay baahida ay dadka somaalida ah ee ku nool dalka belgiem u qabaan furitaanka safaaraddan, iyo weliba adeega ay u fulinkarto safaaradda, isagoo ku booriyay odayaashii iyo dhallinyaradii reer belgiem ee la kulmay iney gacan ka geystaan dhismaaha iyo dib u yagleelidda safaaraddi soomaalida oo muddo 20 sano ah aan wax adeega u qaban ummadda ay metesho.
waxaa iyagana hadallo soo dhaweyn iyo ballan qaad isugu jira ka jeediyay qaar ka mid odayaashii iyo dhallinyaradii reer belgiem ee shirka kasoo qeyb galay.
Jeneraal Axmed S.Dafle
Axmed Saleebaan Cabdalle(DAFLE) oo safiirka iyo qunsulka cusub u ballan qsaaday si iskaawax u qabso ah iney uga shaqeynayaa dib u cusbooneysiinta dhismaha safaaradda, waxaa kaloo halkaa hadallo qiiro leh kasoo jeediyay axmed Cigaal oo kamid odaayshii maagalada leuven ka yimid isagoo ku dheeraaday taariikhda safaaradda iyo wixii dhibaato soo maray, halkaana ka xusay dadaalkii muwaadin Axmed Warsame Cumar Daad u soo galay daafaca summacadda saafaradda, waxaakaloo halkaa ka hadlay odey Xasan kaabee oo ka socday jaaliyadda Verviers, shiraaye maxamuud cumar, C/raxiim Dheere oo ka mid jaaliyaddi reer Gent.
Kulankaa wuxuu kusoo afjarmay is marxabeysiin, soo dhaweyn furan oo loo fidiyay safiirka iyo qunsulka iyo weliba shaqaalaha ka howl geli doona safaaradda.