donderdag 31 maart 2011

FERNADO TORRES OO U HANJABAY KOOXDA MANCHESTER UNITED


Weeraryahanka  xulka  spain iyo kooxda chelsea Fernando Torres (foto)ayaa si cad ugu  hanjabay  kooxda  manchester united , wuxuuna uga digay iney niyaddooda ka saaraan, marna aysan haweysan semifinalka horyaalka reer yurub.

FERNANDO TORRES

waxaa sidaa lagu qoray  jariidada the sun oo kasoo baxda ingriiska oo soo bandhigtay wareysi aad u dheer oo ay torres la yeelatay.

"Waanu ognahay in kooxdeyda chelsea ay markii horeba ka adkeyt kooxda manchester united, iyadoo taa jirto ayaa haddana  waxaa kooxda kusii biiray aniga iyo David Luiz difaaca xulka reer brazil.
Xiddigaan da,da yar  ayaa 31 jannaayo  ee sannadkaanu aanu ku jirno ku biiray  kooxda chelsea, ilaa haddana wuxuu torres  u saftay 7 kulan, waxgool ahna uma dhalin, haddii aad is weydiineyso sababaha uu   xiddaa  torres gool u dhalin waayay ilaa hadda lama oga sababta.
Ahmed  Abshir Axmed

AMIN ARTS IYO SAWIR GACMEED XIISO LEH

farshaxanka Caanka ah ee Amin Arts  ayaa soo bandhigay  sawir gacmeed xiiso badan  oo ku cabbirayo ra,yigiisa , kaas uu uga hadlaayo  waxa xaqiiqada dhabta ah ee ay isku heystaan Sheekh Shariif  iyo Maxamed Dheere, waana  tan sheekadii dhexmartay kkkkkkkkkkkkk... AAAH AAAH AAH

woensdag 30 maart 2011

MA MUTEYSTAY MUWAADIN KEDIYE MAAMUUSKA

Madaxweynaha jamhuuriyadda  somaliya, mudane shariif  Sheekh Axmed, ayaa guddoonsiiyaya  shahaado sharafeed  muwaadin Daahir Cabdullahi Kediye oo kaalin libaax oo ku dheehan tahay muwaadinimo,xilkasnimo, waddan jaceyl iyo ilaalinta summcadda magaca somalinimo.
Muwaadin kediye  oo door aad u ballaaran kasoo qaatay sidii loo sii deyn lahaa   lammaanihii  ingriiska ahaa ee  Paul iyo rachel chandler oo burcad badeed somaali ah  ay muddo  1 sano ku heysteen G/Dhexe gaar ahaan magaalada  xaradheere iyo weliba intii la shaqeysay  isaga oo gacanta weyn u fidisay.
Muwaadin daahir c.kediye oo ka mid jaaliyadda somalida ee ku nool carriga ingriiska magaalada london, wuxuu waqti badan u huray sidii qoyskaas  aan wax galabsan loo sii deyn lahaa  oo markale xorriyaddoda shaqsiyeed  u heli lahaayeen.
Qoyskaas waayeelka ah oo da,doodu u dhexeysay 56 ilaa 60jir oo aan muddada aan kor kusoo  xusay lagu heystay meelo ka mid carriga somaaliya, ayaa  muwaadin kediye iyo inta la mid qalbigooda gelgishay, dareenkooda kiciyay, ku kalifay iney u xusulduubaan,xoogooda iyo xeeladdoodana isugu geeyaan sidii mar looga soo furfuri  waayeeladaa gacmaha ka gardaran ee heysta.
Qurbajoogta somaalida  ee ku nool dalalka reer yurub, oo aanu deganahay wexey aad uga dhiidhiyeen arrintaas, iyagoo marna qaadan waayaysharaf dhaca  ay nimankaa burcad badeedka ah u  geysteen dilista  magaca somaalinimada ,iyadoo ay rajo xumo iyo niyad jab ku abuureen   carruurtii  iyo qoyskii  lammaanahaa waayeelka ah, maalin weliba ay weydiisanayaan lacag malaayiin dollar ah oo aysan awoodin  odeyga iyo xaaskiisa howlgabka, taasoo weji gabax iyo fadeexo ku noqotay  dadka ku abtirsada magaca la isku yiraahdo somaali.
mudane kediye,wuxuu arrinkaa u galay dadaal dheeraad ah,wuxuuna muujiyay xilkasnimo gaar ah, isagoo howlihiisii qof ahaaneed hakiyay, waxaa u cuntami weysay in qoyskii Paul iyo Rachel   isaga iyo inta damiirka leh  ay ka ag ooyaan, iyagoo  carruurihii ay dhaleen qoysaska somaalida ah  subaxdii  hortooda skool ku aadayaan, haddana aan ciddi wax yeeleen, taana waxey ku kalliftay  muwaadin kediye  uu naftiisa u biimeeyo oo joog iyo jiifba ka quusto, isagoo is biddaayay inuu kasoo jeedo deegaanadaa la leeyahay waa lagu heystaa waayeelka. wuxuu xiriir dhow iyo mid dheer la yeeshay odey dhaqameedyadii deegaankaa, siyaasiyiintii deegaanka,culumaa,udiinka  deegaanka , waxeyna taa u sahashay in lagu guuleysto dadaal dheer  oo qardajeex badan loo maray  iney xorriyaddoda dib u helaan labadaa  waayeel ee howlgabka.
waxaa xusid mudan inta aanan qalinkeyga  dhigin inaan sheego kaalintii mugga weyneyd ee uu qaataya Abwaan Cayaarjecel iyo kooxdiisa  Qeylodhaan dhiirigelintii, wacyigelintii iyo baroordiiqdii  ay ka geysteen  in la heystay qoyskaa waayeelada, laakiin taariikhda ayaa abaalmarin doonta kooxda qeylo dhaan.
Waxaan kusoo afjarayaa qormadeydaan aanan waqtiga badan siin jawaabta  su,aasha aan ku billaabay maqaalkaan haa waa muteystay muwaadin  kediye in lagu maamuuso shahaado sharafeedkan oo ah  sidii u difaacay soo celintii magaca  somalida oo 20kii sano ee lasoo dhaafay ka lushay geedaha dhaadheer iyo goobaha lagu qeybiyo ceebaalka .
Waxaa Qoray
Abshir Axmed Maxamuud

zondag 27 maart 2011

Dadka mareeykanka ah oo aan aqoonin waddankooda.

Qiimeyn la sameeyay ayaa sheegtay in 40% ay dadka mareykanka ah ku dhaceen imtixaankii shacbinimada (burgerschapstest)oo loogu talagalay in dadka shacabka lagu weydiiyo waxa dalkooda ka yaqaaniin waxaa arintaan lagu soo bandhigay wargeyska todobaadlaha ah ee Newsweek .Wargayska oo su aalo weydiiyay dad dhan 1000 qof ,29% dadkii la weydiiyay ma yaqaaniin madaxweyna ku xigeenka Maraykanka ee hadda .70%waxey faahfaahin waayeen dastuurka dalka maraykanka waxa uu yahay,40%dadkii la weydiiyay su'aalahaas waxey garan waayeen dagaalkii 2aad ee adduunka cidda ay dowlada maraykanka ay la dagaashay.

Faduma Abshir Axmad

27 miljoen oo qaxooti ah

In ka badan 27 miljoen oo qaxooti ah ayaa wadamadooda uga soo cararay dhibaatooyin dagaal iyo waxyeelooyinka dabiiciga ah oo waddamadooda haleelay ,kuwaasoo usoo kala firdhaday dacalada dunida.

Elisabeth Rasmusson

Muddo toban sano ah waa lambarkii ugu sareeyay sida ay sheegtey xoghayaha guud ee golaha qaxootiga Norway,Miss Elisabeth Rasmusson(foto).  
wakhtigaan la joogo kumanaan qaxooti oo reer Ivoriaan (Ivory Coast)ayaa noloshooda lasoo cararaya ayeey tiri Mrs. Rasmusson oo xanaaq badan ka muuqdo,taaso ka dambeysay shaqaaqooyinkii siyaasadeed ee Ivory Coast bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay,ismaandhaafkaas oo ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas oo nin walba uu sheeganayo inuu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee jira ,taasoo sababi karta dagaal sokeeye oo dhax mara taageerayaasha labada dhinac.
In ka badan 500.000 oo qof oo reer Ivory Coast ah ayaa naftooda kala soo cararay wadankoodii.

Inta u dhaxeysa 4,5 ilaa 5,2 miljoen oo reer Suudaan ah ayaa iyaguna dalkooda ka soo cararay degenaansho la'aan jirta darteed.40% oo qaxooti  ah waxey kasoo barakaceen wadamada Afrika ,dalalka bariga dhexe 3 jeer ayeey labalaabmeen qaxootigii kasoo carari jiray.


Dagaalada ka jiro dalalka Afganistan iyo Pakistanba waxey sababeen in 70% qaxooti reer Asia ah ay soo gabaadsadaan meelahay is leeyihiin waa nabad iyo weliba wadamada reer galbeedka .
Qiimeyntaan kuma jiraan kuwa kasoo baqacararaya xiligaan kacdoonada isbedeldoonka ah ee hareereeyay
wadamada carabta sida :Masar,Tunesia ,Libiya,Yemen,Suriya,Baxrein,iyo kuwa leys orankaro daah baa weli saaran.

Abshir Axmad Maxamuud
Khaalid190@gmail.com

Laacib Abidal oo qabo cudurka kansarka


Erc Abidal
 Cayaaryahanka caanka ah ee fransiiska ah Erik Abidal(foto) ayaa todobaadkii hore la qalay,markii dhakhaatiirtu ka heleen cudurka dilaaga ah ee kansarka beerka .Laacib Abidal oo 31 jir ah difaaca F.C Barcelona waxey naadigiisu cadeyeen in ciyaaryahankoodu qabo cudurkaas,wax faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin iyagoo dhowrayo noloshiisa khaaska ah iyo sirtiisa qof ahaaneed .
Xiligaan waxaa cad in laacib Abidal inuusan kooxdiisa uga qeybgali doonin tartamada ay la geli doonaan kooxaha kale.

Faduma iyo Axmad

Actor Hugh Grant oo loo la cararay cisbitaalka.


Actor Hugh Grant

Cabsi iyo naxdin badan ayaa ka jirtay guriga atooraha Ingriiska Hugh Grant (foto) oo  todobaadkii hore loola cararey cisbitaal ku yaalo galbeedka London.Atooro Hugh Grant wuxuu ahaa mid daciif ah, oo wareer badan qabo sida ay sheegteey jariiradada The Sun.50 jirka xiddiga caanka ee Hollywood wuu diiday in loo waco baabuurta gargaarka degdega ah ee cisbitaalka."marabo inaan wakhtiga ka lumiyo baabuurtaas oo dad iga daran gargaari karta "ayuu yiri Hugh .Wuxuu wacday Taxi ula cararay cisbitaalka,saacado kadib isagoo ay ka muuqato sabar badan ayaa loo gudbiyay qeybta degdega (Emergency Service).Dad meesha fadhiyay waxey atoore Hugh ku sheegeen inuu ahaa qof caadi ah, marna uuna muujin inuu yahay nin caan ah rabana inuu ka hor maro iyaga.Xoogaa kadibna waxaa atoore Hugh baaritaan kadib u laabtey gurigiisa mana cadda ,si fiicanna loo garanmaayo cudurka uu qabo actor Hugh Grant. 
    
Faduma Abshir

Shirkadaha moodooyinka oo Japan qalbifurnaan u muujiyay

Shirkadaha moodooyinka dharka  ayaa u muujiyay qalbifurnaan iyo taageero  sida ay uga xunyihiin dhibaatada dhulgariirka iyo daadadka ee ku habsaday dadka ree Japan waxayna u caddeeyeen in ey taageero hiil iyo hooba ah la garabtaaganyihiin .H&M oo ka mid ah shirkadaha moodooyinka ,waxey shaqaalaha reer Japan ku amartay iney qooysaskooda la qeybsadaan murugada iyo baadi goobka ,kuwa la la' yahay,
H&M waxey ururka bisha cas ee Japan ku wareejisay 100.000 oo dhar ah ,si loo gaarsiiyo dadkii ku waxyeeloobay.

Diane von Furstenberg

Mode Coach waxey ugu deeqday dadka reer Japan adduun dhan 2,5 miljoen euro.
Dukaanka caanka ah American forever21 wuxuu ku wareejiyay ururka bisha cas ee reer Japan wixii uu faa iiday malintii 18ka  maarso.                                                
Gap fashion wuxuu bixiyay 143.000 oo euro .Mode THEORY waxey dukaamadeeda caalamkoo dhan hor dhigtay karaatoon waaweyn oo ey dadka ugu baaqday iney dhar kusoo ridaan si loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan.Naagta caanka ah ee modada sameeyso Diane Von Furstenburg(foto) waxey abuurtay barnaamish online ah oo dadka loogu yaboohayo,waxaana aad loogu rajo weyn yahay iney kasoo xaroon doonto milaayiin euro.

Faduma abshir axmed
tifaftiraha blogga

donderdag 10 maart 2011

AMBASSADOOR CADDE OO LA KULMAY JAALIYADDA REER BELGIEM

Safiirka  dowladda ku meelgaar ah u fadhiya xarunta yurub,  islamarkaana  ah safiirka  dowladda ku meel gaar u fadhiya  dalka talyaaniga mudane Nuur Xasan Xuseen (NUUR CADDE) ayaa la kulmay   5 maarso  jaaliyadda somalida  ah ee ku nool dalweynaha  Belgiem , munaasabaddaas oo lagu  maamuusaya   daahfurka safaaradda somaalida ee brussels.
wuxuu ambassadoor Cadde kala hadlay  jaaliyadda uu la kulmay  baahida  ay dadka somaalida ah ee ku nool  dalka belgiem u qabaan furitaanka  safaaraddan, iyo weliba  adeega ay u fulinkarto safaaradda, isagoo ku booriyay odayaashii  iyo dhallinyaradii reer  belgiem  ee la kulmay  iney  gacan ka geystaan dhismaaha  iyo dib u yagleelidda safaaraddi soomaalida  oo muddo 20 sano  ah  aan wax adeega  u qaban ummadda ay metesho.
waxaa  iyagana  hadallo soo dhaweyn iyo ballan qaad isugu jira ka jeediyay  qaar ka mid  odayaashii iyo dhallinyaradii  reer belgiem ee shirka kasoo qeyb galay.


Jeneraal Axmed S.Dafle

Axmed Saleebaan Cabdalle(DAFLE) oo safiirka iyo qunsulka cusub u ballan qsaaday si iskaawax u qabso ah iney uga shaqeynayaa  dib u cusbooneysiinta  dhismaha safaaradda, waxaa kaloo  halkaa hadallo qiiro leh kasoo jeediyay  axmed Cigaal oo kamid odaayshii maagalada leuven ka yimid isagoo  ku dheeraaday  taariikhda safaaradda iyo wixii dhibaato soo maray, halkaana ka xusay  dadaalkii muwaadin Axmed Warsame Cumar Daad u  soo galay  daafaca  summacadda saafaradda, waxaakaloo  halkaa ka hadlay  odey Xasan kaabee oo ka socday  jaaliyadda  Verviers, shiraaye maxamuud cumar, C/raxiim Dheere  oo ka mid jaaliyaddi reer Gent.


Kulankaa wuxuu kusoo afjarmay  is marxabeysiin, soo dhaweyn furan  oo loo fidiyay safiirka  iyo qunsulka iyo weliba shaqaalaha ka howl geli doona safaaradda.

Waxaa soo diyaariyay

Abshir  Axmed  Maxamuud
                                                            Khaalid190@gmail.com