vrijdag 29 april 2011

GUDOONKA SARE EE MEHRA SOOMAALIYA IYO SULTAN CABDALLA SULTAN CIISE IYO MASUULIYIIN KALE OO MAHRA STATE YAMAN KASOO JEEDAY


Qoraa sare iyo  tifaftiraha sare ee alcarab
muxyadiin ciid

 UAE: Maalinimadii Jimcaha ee bishu aheyd 15/04/11, waxaa Shir iskugu yimid Abu Dabey, xubno ka mid ah Gudoonka Sare ee Mehra Soomaaliya iyo Masuuliyiin sare oo ka timid Mahra State, uuna horkacayay Suldaanka Guud ee Mehriga Sultan Cabdalla Sultan Ciise iyo Jeneraal Axmed Maxamed Axmed Qaxdaani.
 
Shirkan ayaa khadka Telefoonka waxaa uga qaybgalay gudoonka Mehra Soomaaliya ee ku kala nool USA, Canada, iyo UK, iyadoo dhinaca kalena ay khadka uga jireen Mehriga ku nool wadamada Khaliijka, Kenya iyo Yaman.

Fadhigan oo qayb ka ahaa kulamada iyo xiriirka waayadan danbe socday si la iskugu xiro dadyoga Mahra ee ku kalanool caalamka, loona mideeyn lahaa danaha iyo aragtida Mahra meel walba oo joogaanba.
 
 
Shirkan ayaa khadka Telefoonka waxaa uga qaybgalay gudoonka Mehra Soomaaliya ee ku kala nool USA, Canada, iyo UK, iyadoo dhinaca kalena ay khadka uga jireen Mehriga ku nool wadamada Khaliijka, Kenya iyo Yaman.

Fadhigan oo qayb ka ahaa kulamada iyo xiriirka waayadan danbe socday si la iskugu xiro dadyoga Mahra ee ku kalanool caalamka, loona mideeyn lahaa danaha iyo aragtida Mahra meel walba oo joogaanba.


Kulanka ayaa lagu furay aayado qur'aan ah, iyadoo kagadaalna bilaabmatay isbarashadii Xubnaha madasha fadhiday iyo kuwii khadka telfoonka kusoo hadlayay.

Waxaa furida hadalka lasiiyay Sultaan Cabdalla Sultan Ciise, asagoo khudbad aad u qiimo badan kasoo jeedshay Shirka, tanoo si gaar ah uu ula hadalayay Mehriga Soomaaliya, xusuusiyayna taariikhda uu kasoo gaaray aabihiis Sultan Ciise Bin Cali Bin Sacad, oo ahaa Suldaankii xukumijiray Saldanadii MEHRA IYO SOCATARA, taas oo uu ku tilmaamay in xiriir toos ah ka dhaxeeyay Mahriga Soomaaliya iyo ayaga.

Suldaan Cabdalla ayaa xubnaha Gudoonka sare ee Mahriga Soomaaliya uga mahadceshay dadaalada ay wadaan, gaar ahaana safarkii xubno gudiga ka mid ahi kal hore ku yimaadeen Mahra State, isagoo ku sheegay in ay aheyd talaabo taariikhi ah, albaabadana u furtay in xiriirka joogtada ah ee tan iyo maalintaas bilaabmay ay fure u ahaayeen.

Waxa uu ugu baaqay Suldaanku Mahra Soomaaliya in ay ka qaybqaataan horumarinta gobolkooda, asagoo yiri “Diyaar ayaan idiin nahay, gacmo furana waan idinku soo dhaweynaynaa, noo imaada kaalintiinana qaata”.

Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee ay jaarka yihiin, asagoo sheegay in uu mar walba u duceeyo dadka dhibaateysan ee Soomaaliya, waxa uuna ku amaanay Dowladooda Yamaneed sida ay u soo dhaweysay qaxootiga Soomaalida.

Jeneraal Qaxdaani oo Suldaanka hadalka uga danbeeyay ayaa xusay in uu ku raacsan yahay sida hadalka u dhigay Suldaanku iyo taariikhda uu xusayba, waxa uuna dhinaciisa ka sheegay in Gudoonka Sare ee Mehra uu ku jiray ragii kula kulmay Sanca kal hore, uuna ku farxay aragooda iyo barashadoodaba.
Waxa uu dhinaciisa ka sheegay in uu aragtida Mahra Soomaaliya gaarsiiyay masuuliyiin badan oo ku kala sugan wadamada Khaliijka, sida Cumaan, Qadar, UAE iyo Kuwaytba, isagoo xusay in qadka telfoonka ay soo galayaan,masuuliyiinta kala ah Safiirka Kenya Bin Shaquuq Mombaza, Muxaafitkii hore ee Mehra state Mohamed Bin Abdalla, oo kasoo galayay Oman, Salim Yasir oo Imaaratka kasoo galayay iyo Nacima Subayr oo Qatar, kasoo gashay.
Waxa uu sidoo kale xusay qulqulatooyinka Yaman hada ka jira, asagoo sheegay in jiritaanka iyo midnimada Yamaneed tahay asalka wax walbana, uuna yiri waxaan u rajeynayaa in ay kheyr ku dhamaadaan.

Xubnihii madasha fadhiyay oo ahaa kuwii soo qabanqaabiyay fadhigan ayaa hadalka qaatay, ayagoo uga mahadceshay Suldaanka iyo Jeneraalkaba kasoo qaybgalka shirkan.
Dr:Xassan Xaaji iyo Bashiir Xassan ayaa dhinacooda tilmaamay muhiimada ay leedahay isku xirnaanshaha dadyowga Mahra meel ay joogaanba, guulna ay u tahay in maanta Suldaankii guud ee Mahra ay wada fadhiyaan, asagoo tilmaamay in Xaaji Abuukar, uu ahaa ragii ugu danbeeyay ee la kulmay Sultan Ciise Bin Cali.
Shiikh Liibaan Axmed Cumar,oo isna goobta fadhiyay ayaa soo dhaweeyay hadalkii Suldaanka iyo kii Jeneraalkaba, qirayna in uu taariikh badan ka faa'ideystay masuuliyiintaas, waxa uuna ku baaqay in lajoogteeyo xiriirka.
Intaas kadib waxaa hadalka lagu soo wareejiyay Gudoonka sare ee Mehra qurbahana kasoo hadlayay, ayagoo go'aansaday in fariintooda iyo codkoodaba uu ku hadlo Ing: Saciid Dhafuuje, oo ka mid ah aqoonyahanka Mehra ee ku nool Canada.
Ing: Saciid Dhafuuje ayaa salaan qiima badan u gudbiyay Suldaan Cabdalla, Jeneraal Qaxdaani iyo masuuliyiintii kaleba, asagoo xusay in waxa isku keenay ay tahay dhiiga Mahrinimo ee ay wadaagaan, dhalashaduna ka weyn tahay wax walba, Inj: Siciid ayaa cadeeyay in xuduuda wadamada aan ku kala noolnahay ayan aheyn mid xadidi karta wada dhalashada iyo dhiiga isku kaaya keenay, mana jirto ayuu yiri Dhafuuje xayndaab aan ku kala oodnaandoono.
Waxa kale oo tilmaamay in ay hayaan taariikhda taxanaha aheyd Sultanada Mahra iyo dadkoodiiba, hadana diyaar u yihiin ka qayb qaadashada kaalin walba oo kaga banaan.
Waxaa erayo dhiirigalin iyo talobixin ahaa, iyana halkaas kasoo jeediyay ex-Minister Cali Xareed, Dr: Yaasiin Ciise, Ing: Cali Askar, Cunshur Iyo Cawaafe.
Xubnihii kale ee gudiga ayaa salaan iyo bogaadin ku xoojiyay kulanka, sida Maxamuud Dhafuuje, Shiikh Cali Shiikh Mursal, Cabdi Casiis Bacbac iyo Muxyadiin.
Gabagabadii kulanka ayaa la isla qaatay in talaabada ugu horeysaa noqoto shir degdeg ah oo la iclaamiyo, bal si loo dardargaliyo danaha qabyada ah.
Goobta shirka iyo xiliga ayaa waxa loo xilsaarey gudoonka Mahra Soomaaliya in ay soo qoondeeyaan, sida ugu dhaqsiyaha badanna usoo gudbiyaan.
Suldaan Cabdalla ayaa salaan iyo Duco kusoo xiray kulankii, asagoo si gaar ah ugu hambalyeey Bashiir Xassan iyo kaalintii uu ka qaatay in ay hawshani qabsoonto.
Xubnihii kale ee madasha fadhiyay ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane Liibaan Xassan iyo ganacsade Idiris Cabdulaahi oo xaruntiisu tahay Nayroobi Kenya.
Intaas kagadaal ayaa waxaa bilaabmay xiriirka masuuliyiintii kasoo galayay khadka wadamada khaliijka, Yaman iyo Kenya, si loogu gudbiyo go'aamadii la isla meel dhigay, ayadoo la isal qaatay, waxana uu noqday kulankani kii ugu waxtarsanaa ee dhaca mudooyinkan.
Muxyadiin Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk
 





maandag 25 april 2011

waayaha iyo waqtiga ayaa wax xukuma, sawirkaan iyo  muuqaalkan  uu farshaxanka caanka ah, muwaadinka qaaliga ku ah qaranka somaaliyeed amiin amir  uu ku cabbiraayo ra,yigiisa  waxaan anigu shaqsi ahan aaminsanahay  inuu runta iyo xaqiiqada  u dhow yahay.
Akhriste  iyo saaxiibkeyga la xiriira bloggaan  wixii talo iyo tusaale ah welkom

zaterdag 16 april 2011

JAALIYADDA REER GENT OO QADO SHAREED U SAMEEYAYA AMBASSADDOR CADDE IYO QUNSULKIISA GUUD CALI IBRAHIM

Jaaliyadda reer gent ee da lweynaabelgiem ayaa maanta qado sharafeed  ugu sameeyay  magaalada gent  safiirka dowladda ku meelgaarka u fadhiya eurbian union iyo dlka talyaaniga  nuur xasan xuseen  nuur cadde iyo qunsulka guud ee safaaradda somaalida ee brussel  cali ibraahin.
qado sharafeedkaas oo ay soo qaban qaabiyeen  qaarka mid jaaliyadda, kuwaasoo uu horkacaayaya  cali cumar nuur cali baashi oo ka mid jaaliyadda degan gent, iyadoo ay taageereen gacan aad u ballaaran ay siiyeen qaar ka mid  jaaliyadda.
martiqaad ooloosoo agaasimay si heer sare ah, waxaa ugu horreyntii  aayadaha  quraanka kariimka ah ku daahfuray Axmd Abshir Axmed  oo ka mid ardeyda wax ka barata  dugsiga quraanka kariimka ee al huda  ee ustaad macallin Axmed Macllin Muse Geemaale, intaa ka dib waxaa hadalkii qaatay odey xassan kaabeer,cali baashi, cabdi cad , ugaas cali abuukar o dhammaantood  ka warramay qaban qaabadii loo soo galay qado sharafeed, safiirka ku soo dhaweeyay  gent iyo guud ahaan belgiem, una ballanqaaday iney la shaqeyndoonaan safaaradda.
intaa ka dib waxaa hadalkii qaaty ambassadoor cadde oo ka warramay halka uu marayo dadaalka safaaradda, dhismihii safaaradda, iyo weliba isagoo xusay in  safaaradda ay si ku meelgaar ah hadda ugu sii shaqeyn doonto guri kiro ah inta l hagaajinaayo dhismihii  iyo dhulkii saaaraddii somalida  kulaheyd belgiem oo intii dalku burbursanaa  ay iska deganaayeen dad ajaanib ah, dowladda belgiemna ay kala hadleen sidii dhismahaa iyo gurigaaba loogu soo celin lahaa gacanta somaalida.
Ambassador cadde wuxuu  ka codsaday jaaliyadihii ka soo qeyb galay  qado sharafeedkaas iney guntiga dhiisha isaga dhigaan ,una diyaargaroobaan  iney gacmaha is qabsadaan, safaaraddana la shaqeeyaan.
wuxuu kusoo gaba gaboobay kulankaas  farxad iyo reyn , is gcan qaad jaaliyadda iyo ambassadoorka iyo qunsulkiisa guud.
wixii faahfaahin ah oo shirkaa ku saabsan  iyo sawiro dib baan ka keeneynaa.
waxaa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud

vrijdag 8 april 2011

 Ummadda somalida  waxaa ilaahey  ku hodmiyay  dhaqan iyo hiddo  ma guuraan ah, oo ay  hodon ku yihiin,Akhriste  nala daawada ciyaartaan

donderdag 7 april 2011

CESC FABREGAS OO KA BADBAADAY SHIL

Kabtanka kooxda Arsenal  Cesc Fabregas  ayaa ka badbaaday shil gaari oo uu ku galay meel u dhow xerada tababarka ee Naadigiisa Arsenal
23-sano jirkan u dhashay dalka Spain ayaa la tilmaamay in uu usoo deg degayey tababarka kooxda wuxuuna si xoowli ah u kaxeeynayey gaariga uu watay taas oo keentay in ay isku dhacaan gaarigiisa iyo gaari kale, inkastoo isku dhaca labada gaari aysan ka dhalan wax dhaawac ah, waxaana durbadiiba goobta uu shilku ka dhacay soo gaaray ciidamada Booliska.
Cesc Fabregas  ayaa la tilmaamay in uu xoogaa naxay laakin daqiiqadi kaddib xaaladiisu ay caadi ku soo noqotay, wuxuuna usii socdaalay xerada  tababarka ee
Naadigiisa.
Waxaan ka soo minguurinay Raadiyo muqdisho
Axmed Abshir  Axmed
Arrimaha sportiga ee blogga

maandag 4 april 2011

HURDADA MAKEENI KARTAA CAATANIMO?

Dad aad u farabadan ayay dhibaato ku heysaa sidii ay isku caateyn lahaayeen oo ay isaga dhimi karaan hilibka culus ee saaran jirkooda, iyagoo inta badan isticmaala fitness,sport badan,qaar cuna daawooyin iyo si kasta oo ay ugu suurto geli karto in kiilooyin badan ka dhacaan, hadda waxaa la leeyahay  taasi waa fududaahay  waana adigoo hurda.
Khubaro Mareykan ah oo arrintaas aad usoo baaray waxey sheegeen dadka seexda wakhti ku filan  inay dhaqso u caatoowaan ama kiilooyin ay ka dhacaan ,warbixintaan waxaa qoray :International Journal of Obesity. Baaritaan lugu sameeyay in ka badan 500 oo qof oo ahaa dad culeyskoodu aad u sareeyay muddo 6 bilood ah ayaa lugu mashquulsanaa sida dadkan loo caatayn lahaa ,maalintii looma ogoleyn in ka badan 500calories maalintii oo dhan waxaa lagu qasbay in ey spoorti badan sameeyaan kana qeyb galaan meelaha looga hadlaayo dadka buurbuuran.
Baarayaasha waxey muddadaas darsayeen sida dadkaas jiifkoodu yahay ,iney seexdaan wakhti ku filan iyo  in hurdadoodu yartahay.
Waxaa u soo baxday raggaas khubarada in dadka hurdada ku filan seexda inay kiilooyin badan ka dhacaan ,marka la barbardhigo kuwa hurdadu ku yartahay habeenkuna soo kackaca.
<<Cuntada iyo sportigu waa muhiim,laakiin waxaa ka sii muhiimsan inaad jiifto muddo kugu filan!>> ayuu yiri mid kamid ah cilmi baarayaasha.
Hurdadaada oo yaraata jirkaada uma fiicna,haddii ay kugu badatana kaba sii daran .
Natiijadi ugu fiicnayd ee kasoo baxday baaritaankaas wuxuu noqday qaar kamid ah kaqeybgalayaashii oo seexday 7 ilaa 8saacadood ,waxey arrintaa faahfaahin u noqon kartaa in haddii aad seexato waqti kugu filan inay hormoonayaashaada  galeeyaan isla ekaansho,taana waxey keeni kartaa in kiilooyin kaa dhacaan.
Mareeykanka arrintaan muddo dheer ayeey caan ka aheed in badan oo reer mareykan ah waxay sii ogaayeen in hurdadu ay qeeb ka qaadan karto iscaataynta iyo dhimista kiilooyinka jirkaada saaran,inta aad jiifto jirkaada wuxuu gubayaa xayr,sida ku cad qiimeynta baaritaankaan caalamiga ah.
Inta aana qoraalkan soo afmeerin,akhriste waa arrin aad u farax galin karta malaayiinta qof ee la ildaran hilibka iyo kiilooyinka badan .Arrintaana waxey kuu sahlikartaa iney dadkaas u baaqdaan lacago aad u farabadan oo ay ku bixin jireen fitness,daawooyin iyo wax la mid ah taasoo natiijada kasoo bixi karto ay noqon karto wax la'aan,kalmadeyda ugu dambeeyso waa seexo hurdo kugu filan si kiilooyinka ku dhibayo ay kaaga dhacaan.

Waa Qalinkii:

Faduma Abshir Axmad

300 MAALMOOD IYO DOWLAD LA'AANTA BELGIEM

Dalka loo yaqaano Camboodiya  oo ku yaala aasiya, ayaa  ilaa hadda sita rikoorka  muddadii ugu badneyd  dal dowlad,laan kaasoo muddo 353 maalmood  dowladd la,aan ku sugnaa sanadihii 2003 ilaa 2004.
Belgiem oo ah dalweyne federaal ah ,una qeybsan vlaanderen oo ku hadla luqadda dutch, wallooniya oo ku hadla fransiiska,  qeyb ku hadasha  afka jarmalka  iyo magaalada Brussel  oo u dhexeysa , muranka badana uu ka taagan yahay ayaa  wixii ka danbeeyay doorashooyinkii  dhacay bishii juun 2010 aan ilaa hadda  yeelan wax dowlad ah.
siyaasiyiinta Bart De Wever,Elio Di Rupo,oo kala ah siyaasiyiintii ku kala guuleystay doorashooyinka,De Wever(=Vlaanderen),Di Rupo(=Walloniya)waxey taaganyihiin xadka 300 oo maalmood dowlad la'aan dowlada Belgiem.

Bart De Wever              Elio Di Rupo
 Faanoole fari kama qodna ayeey soomaalidu tiraahdaa isqabqabsiga,isafgaranwaaga Vlaanderen iyo Walloniya dhinaca hervormingka ,BHV,Brussel yeey raace??waxa loo yaqaano daryeelka bulshada(=Sociale zekerheid) ,intaas oo la isu geeyo,waxaa kasoo bixi karo in Belgium ay Cambodiya kala wareegto koobka dowlad la'aanta adduunka.

waxaa qorey
Abshir Axmad
Khaalid190@gmail.com

KA GANACSIGA HUBKA VLAANDEREN BELGIEM OO LABANLAABMAY

Dowlad gobaleedka vlaanderen ee dalka belgiem, ayaa waxay  ogolaansho siisay sannadkii aynu soo gudubnay in hubka vlaandereen loo dhoofiyo adduunka,marka la is barbardhigo sannadkii 2005 iyo kii aanu soo dhaafnay ee 2010, waxaa halkaa ka muuqdo iney 2jeer  labanlaabantay muddo shan sanno gudaheed, waxey arrintaa ku caddeyd warbixintii sannadlaha ee machadka nabadda ee vlaanderen.
Sannadkii 2010 wuxuu ahaa sannadkii ugu badnaa ee dowlad gobaleedka vlaanderenku bixiyaan ogolaanshaha dhoofinta iyo ka ganacsiga hubka  noocyadiisa kala duwan, kaasoo sida warbixintu sheegtay  loo kala dhoofiyay dalalka ku yaala bariga dhexe iyo marocco oo ku taala  waqooyi!ga afrika.
Baarlamaanka vlaanderen waxey arrintaas kasoo saareen warbixin ,waxeyna ku adkeeyeen hey'adaha  ku shaqada leh arrinkaas iney indhaha ku hayaan dalalka loo dirayo hubkaas iyo qaabka loo isticmaalo  hubkaas intaba.

waxaa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud
khaalid190@gmail.com