vrijdag 29 april 2011

GUDOONKA SARE EE MEHRA SOOMAALIYA IYO SULTAN CABDALLA SULTAN CIISE IYO MASUULIYIIN KALE OO MAHRA STATE YAMAN KASOO JEEDAY


Qoraa sare iyo  tifaftiraha sare ee alcarab
muxyadiin ciid

 UAE: Maalinimadii Jimcaha ee bishu aheyd 15/04/11, waxaa Shir iskugu yimid Abu Dabey, xubno ka mid ah Gudoonka Sare ee Mehra Soomaaliya iyo Masuuliyiin sare oo ka timid Mahra State, uuna horkacayay Suldaanka Guud ee Mehriga Sultan Cabdalla Sultan Ciise iyo Jeneraal Axmed Maxamed Axmed Qaxdaani.
 
Shirkan ayaa khadka Telefoonka waxaa uga qaybgalay gudoonka Mehra Soomaaliya ee ku kala nool USA, Canada, iyo UK, iyadoo dhinaca kalena ay khadka uga jireen Mehriga ku nool wadamada Khaliijka, Kenya iyo Yaman.

Fadhigan oo qayb ka ahaa kulamada iyo xiriirka waayadan danbe socday si la iskugu xiro dadyoga Mahra ee ku kalanool caalamka, loona mideeyn lahaa danaha iyo aragtida Mahra meel walba oo joogaanba.
 
 
Shirkan ayaa khadka Telefoonka waxaa uga qaybgalay gudoonka Mehra Soomaaliya ee ku kala nool USA, Canada, iyo UK, iyadoo dhinaca kalena ay khadka uga jireen Mehriga ku nool wadamada Khaliijka, Kenya iyo Yaman.

Fadhigan oo qayb ka ahaa kulamada iyo xiriirka waayadan danbe socday si la iskugu xiro dadyoga Mahra ee ku kalanool caalamka, loona mideeyn lahaa danaha iyo aragtida Mahra meel walba oo joogaanba.


Kulanka ayaa lagu furay aayado qur'aan ah, iyadoo kagadaalna bilaabmatay isbarashadii Xubnaha madasha fadhiday iyo kuwii khadka telfoonka kusoo hadlayay.

Waxaa furida hadalka lasiiyay Sultaan Cabdalla Sultan Ciise, asagoo khudbad aad u qiimo badan kasoo jeedshay Shirka, tanoo si gaar ah uu ula hadalayay Mehriga Soomaaliya, xusuusiyayna taariikhda uu kasoo gaaray aabihiis Sultan Ciise Bin Cali Bin Sacad, oo ahaa Suldaankii xukumijiray Saldanadii MEHRA IYO SOCATARA, taas oo uu ku tilmaamay in xiriir toos ah ka dhaxeeyay Mahriga Soomaaliya iyo ayaga.

Suldaan Cabdalla ayaa xubnaha Gudoonka sare ee Mahriga Soomaaliya uga mahadceshay dadaalada ay wadaan, gaar ahaana safarkii xubno gudiga ka mid ahi kal hore ku yimaadeen Mahra State, isagoo ku sheegay in ay aheyd talaabo taariikhi ah, albaabadana u furtay in xiriirka joogtada ah ee tan iyo maalintaas bilaabmay ay fure u ahaayeen.

Waxa uu ugu baaqay Suldaanku Mahra Soomaaliya in ay ka qaybqaataan horumarinta gobolkooda, asagoo yiri “Diyaar ayaan idiin nahay, gacmo furana waan idinku soo dhaweynaynaa, noo imaada kaalintiinana qaata”.

Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee ay jaarka yihiin, asagoo sheegay in uu mar walba u duceeyo dadka dhibaateysan ee Soomaaliya, waxa uuna ku amaanay Dowladooda Yamaneed sida ay u soo dhaweysay qaxootiga Soomaalida.

Jeneraal Qaxdaani oo Suldaanka hadalka uga danbeeyay ayaa xusay in uu ku raacsan yahay sida hadalka u dhigay Suldaanku iyo taariikhda uu xusayba, waxa uuna dhinaciisa ka sheegay in Gudoonka Sare ee Mehra uu ku jiray ragii kula kulmay Sanca kal hore, uuna ku farxay aragooda iyo barashadoodaba.
Waxa uu dhinaciisa ka sheegay in uu aragtida Mahra Soomaaliya gaarsiiyay masuuliyiin badan oo ku kala sugan wadamada Khaliijka, sida Cumaan, Qadar, UAE iyo Kuwaytba, isagoo xusay in qadka telfoonka ay soo galayaan,masuuliyiinta kala ah Safiirka Kenya Bin Shaquuq Mombaza, Muxaafitkii hore ee Mehra state Mohamed Bin Abdalla, oo kasoo galayay Oman, Salim Yasir oo Imaaratka kasoo galayay iyo Nacima Subayr oo Qatar, kasoo gashay.
Waxa uu sidoo kale xusay qulqulatooyinka Yaman hada ka jira, asagoo sheegay in jiritaanka iyo midnimada Yamaneed tahay asalka wax walbana, uuna yiri waxaan u rajeynayaa in ay kheyr ku dhamaadaan.

Xubnihii madasha fadhiyay oo ahaa kuwii soo qabanqaabiyay fadhigan ayaa hadalka qaatay, ayagoo uga mahadceshay Suldaanka iyo Jeneraalkaba kasoo qaybgalka shirkan.
Dr:Xassan Xaaji iyo Bashiir Xassan ayaa dhinacooda tilmaamay muhiimada ay leedahay isku xirnaanshaha dadyowga Mahra meel ay joogaanba, guulna ay u tahay in maanta Suldaankii guud ee Mahra ay wada fadhiyaan, asagoo tilmaamay in Xaaji Abuukar, uu ahaa ragii ugu danbeeyay ee la kulmay Sultan Ciise Bin Cali.
Shiikh Liibaan Axmed Cumar,oo isna goobta fadhiyay ayaa soo dhaweeyay hadalkii Suldaanka iyo kii Jeneraalkaba, qirayna in uu taariikh badan ka faa'ideystay masuuliyiintaas, waxa uuna ku baaqay in lajoogteeyo xiriirka.
Intaas kadib waxaa hadalka lagu soo wareejiyay Gudoonka sare ee Mehra qurbahana kasoo hadlayay, ayagoo go'aansaday in fariintooda iyo codkoodaba uu ku hadlo Ing: Saciid Dhafuuje, oo ka mid ah aqoonyahanka Mehra ee ku nool Canada.
Ing: Saciid Dhafuuje ayaa salaan qiima badan u gudbiyay Suldaan Cabdalla, Jeneraal Qaxdaani iyo masuuliyiintii kaleba, asagoo xusay in waxa isku keenay ay tahay dhiiga Mahrinimo ee ay wadaagaan, dhalashaduna ka weyn tahay wax walba, Inj: Siciid ayaa cadeeyay in xuduuda wadamada aan ku kala noolnahay ayan aheyn mid xadidi karta wada dhalashada iyo dhiiga isku kaaya keenay, mana jirto ayuu yiri Dhafuuje xayndaab aan ku kala oodnaandoono.
Waxa kale oo tilmaamay in ay hayaan taariikhda taxanaha aheyd Sultanada Mahra iyo dadkoodiiba, hadana diyaar u yihiin ka qayb qaadashada kaalin walba oo kaga banaan.
Waxaa erayo dhiirigalin iyo talobixin ahaa, iyana halkaas kasoo jeediyay ex-Minister Cali Xareed, Dr: Yaasiin Ciise, Ing: Cali Askar, Cunshur Iyo Cawaafe.
Xubnihii kale ee gudiga ayaa salaan iyo bogaadin ku xoojiyay kulanka, sida Maxamuud Dhafuuje, Shiikh Cali Shiikh Mursal, Cabdi Casiis Bacbac iyo Muxyadiin.
Gabagabadii kulanka ayaa la isla qaatay in talaabada ugu horeysaa noqoto shir degdeg ah oo la iclaamiyo, bal si loo dardargaliyo danaha qabyada ah.
Goobta shirka iyo xiliga ayaa waxa loo xilsaarey gudoonka Mahra Soomaaliya in ay soo qoondeeyaan, sida ugu dhaqsiyaha badanna usoo gudbiyaan.
Suldaan Cabdalla ayaa salaan iyo Duco kusoo xiray kulankii, asagoo si gaar ah ugu hambalyeey Bashiir Xassan iyo kaalintii uu ka qaatay in ay hawshani qabsoonto.
Xubnihii kale ee madasha fadhiyay ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane Liibaan Xassan iyo ganacsade Idiris Cabdulaahi oo xaruntiisu tahay Nayroobi Kenya.
Intaas kagadaal ayaa waxaa bilaabmay xiriirka masuuliyiintii kasoo galayay khadka wadamada khaliijka, Yaman iyo Kenya, si loogu gudbiyo go'aamadii la isla meel dhigay, ayadoo la isal qaatay, waxana uu noqday kulankani kii ugu waxtarsanaa ee dhaca mudooyinkan.
Muxyadiin Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk