Jaaliyadda reer gent ee da lweynaabelgiem ayaa maanta qado sharafeed ugu sameeyay magaalada gent safiirka dowladda ku meelgaarka u fadhiya eurbian union iyo dlka talyaaniga nuur xasan xuseen nuur cadde iyo qunsulka guud ee safaaradda somaalida ee brussel cali ibraahin.
qado sharafeedkaas oo ay soo qaban qaabiyeen qaarka mid jaaliyadda, kuwaasoo uu horkacaayaya cali cumar nuur cali baashi oo ka mid jaaliyadda degan gent, iyadoo ay taageereen gacan aad u ballaaran ay siiyeen qaar ka mid jaaliyadda.
martiqaad ooloosoo agaasimay si heer sare ah, waxaa ugu horreyntii aayadaha quraanka kariimka ah ku daahfuray Axmd Abshir Axmed oo ka mid ardeyda wax ka barata dugsiga quraanka kariimka ee al huda ee ustaad macallin Axmed Macllin Muse Geemaale, intaa ka dib waxaa hadalkii qaatay odey xassan kaabeer,cali baashi, cabdi cad , ugaas cali abuukar o dhammaantood ka warramay qaban qaabadii loo soo galay qado sharafeed, safiirka ku soo dhaweeyay gent iyo guud ahaan belgiem, una ballanqaaday iney la shaqeyndoonaan safaaradda.intaa ka dib waxaa hadalkii qaaty ambassadoor cadde oo ka warramay halka uu marayo dadaalka safaaradda, dhismihii safaaradda, iyo weliba isagoo xusay in safaaradda ay si ku meelgaar ah hadda ugu sii shaqeyn doonto guri kiro ah inta l hagaajinaayo dhismihii iyo dhulkii saaaraddii somalida kulaheyd belgiem oo intii dalku burbursanaa ay iska deganaayeen dad ajaanib ah, dowladda belgiemna ay kala hadleen sidii dhismahaa iyo gurigaaba loogu soo celin lahaa gacanta somaalida.
Ambassador cadde wuxuu ka codsaday jaaliyadihii ka soo qeyb galay qado sharafeedkaas iney guntiga dhiisha isaga dhigaan ,una diyaargaroobaan iney gacmaha is qabsadaan, safaaraddana la shaqeeyaan.
wuxuu kusoo gaba gaboobay kulankaas farxad iyo reyn , is gcan qaad jaaliyadda iyo ambassadoorka iyo qunsulkiisa guud.
wixii faahfaahin ah oo shirkaa ku saabsan iyo sawiro dib baan ka keeneynaa.
waxaa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud
Geen opmerkingen:
Een reactie posten