maandag 4 april 2011

HURDADA MAKEENI KARTAA CAATANIMO?

Dad aad u farabadan ayay dhibaato ku heysaa sidii ay isku caateyn lahaayeen oo ay isaga dhimi karaan hilibka culus ee saaran jirkooda, iyagoo inta badan isticmaala fitness,sport badan,qaar cuna daawooyin iyo si kasta oo ay ugu suurto geli karto in kiilooyin badan ka dhacaan, hadda waxaa la leeyahay  taasi waa fududaahay  waana adigoo hurda.
Khubaro Mareykan ah oo arrintaas aad usoo baaray waxey sheegeen dadka seexda wakhti ku filan  inay dhaqso u caatoowaan ama kiilooyin ay ka dhacaan ,warbixintaan waxaa qoray :International Journal of Obesity. Baaritaan lugu sameeyay in ka badan 500 oo qof oo ahaa dad culeyskoodu aad u sareeyay muddo 6 bilood ah ayaa lugu mashquulsanaa sida dadkan loo caatayn lahaa ,maalintii looma ogoleyn in ka badan 500calories maalintii oo dhan waxaa lagu qasbay in ey spoorti badan sameeyaan kana qeyb galaan meelaha looga hadlaayo dadka buurbuuran.
Baarayaasha waxey muddadaas darsayeen sida dadkaas jiifkoodu yahay ,iney seexdaan wakhti ku filan iyo  in hurdadoodu yartahay.
Waxaa u soo baxday raggaas khubarada in dadka hurdada ku filan seexda inay kiilooyin badan ka dhacaan ,marka la barbardhigo kuwa hurdadu ku yartahay habeenkuna soo kackaca.
<<Cuntada iyo sportigu waa muhiim,laakiin waxaa ka sii muhiimsan inaad jiifto muddo kugu filan!>> ayuu yiri mid kamid ah cilmi baarayaasha.
Hurdadaada oo yaraata jirkaada uma fiicna,haddii ay kugu badatana kaba sii daran .
Natiijadi ugu fiicnayd ee kasoo baxday baaritaankaas wuxuu noqday qaar kamid ah kaqeybgalayaashii oo seexday 7 ilaa 8saacadood ,waxey arrintaa faahfaahin u noqon kartaa in haddii aad seexato waqti kugu filan inay hormoonayaashaada  galeeyaan isla ekaansho,taana waxey keeni kartaa in kiilooyin kaa dhacaan.
Mareeykanka arrintaan muddo dheer ayeey caan ka aheed in badan oo reer mareykan ah waxay sii ogaayeen in hurdadu ay qeeb ka qaadan karto iscaataynta iyo dhimista kiilooyinka jirkaada saaran,inta aad jiifto jirkaada wuxuu gubayaa xayr,sida ku cad qiimeynta baaritaankaan caalamiga ah.
Inta aana qoraalkan soo afmeerin,akhriste waa arrin aad u farax galin karta malaayiinta qof ee la ildaran hilibka iyo kiilooyinka badan .Arrintaana waxey kuu sahlikartaa iney dadkaas u baaqdaan lacago aad u farabadan oo ay ku bixin jireen fitness,daawooyin iyo wax la mid ah taasoo natiijada kasoo bixi karto ay noqon karto wax la'aan,kalmadeyda ugu dambeeyso waa seexo hurdo kugu filan si kiilooyinka ku dhibayo ay kaaga dhacaan.

Waa Qalinkii:

Faduma Abshir Axmad

Geen opmerkingen: